Qodobadaan iyo kuwa kale oo badan ayaa Sabab u ah in Luuqadeena aan ka Faa’ideesan weyno iskabadaa in aan hormarinee:
- Ardaydeena waxba kuma bartaan Luuqadeena Heer Iskuul iyo Mid Jaamacadeedba.
- Madaxdeena weey kafaanaan in ey ku hadlaan iyo in ey wax ku qoraan luuqadeena Soomaaliga.
- Ganacsatadeena iyagana wey kafanaan Luuqadeena Af Soomaaliga in ey ku shaqeestaan iyo in loogu shaqeeyo.
Dal hadii larabo in laburburiyo waxaa laga burburiyaa Sadexdaan meel ee aan soo sheegnay Si uusan markale usoo kabsan.
Marka Ilmaheena hada kadib dhalandoona maan kadhaafno in aan barno luuqadeena Af Soomaaliga Madaama eysan waxba kafaa’ideenin.
- Su’aalo
- Maxee tahay Sababta kahortaagan in Ardaydeena wax lagu baro luuqadooda Soomaaliga?
- Maxeey tahay sababta Professors keena ay u qori layihiin Manaahij iyo Buugaag cusub oo ardaydeena wax lagu baro?
- Ardeydeena Malaga yabaa in eey wax cusub ku soo kordhiyaan Dunida Ama Dalkeena?
- Maxee tahay Sababta kadam beesa in madaxdeena document’s eysan ugu qorin Luuqada Soomaaliga eesana ku hadlin marka ey kaqeeb galayaan Shirarka Caalamiga?
- Yaa waaye dadka aan ka sugeeno oo aan rabno in ey Luuqadeena ey noo hormarshaan?
- Dal walba waxaa hormariya Ganacsatadiisa Dhan walba oo ey ahaato, Marka malaga yabaa anaga Ganacsatadeeda In ey isbadalaan oo ey ku fanaan Luuqadeena iyo Dalkeena?
- Shacabkeena diyaar ma u yihiin in Luuqadooda ay wax ku Bartaan, Wax ku iibsadaan iyo in ey ku Fanaan oo ayna kadifaacaan wax walba oo qiimo dhac ku ah?
Jawaabihiina iyo Fikradihiina waa inoo muhiim.
na4afg