Waxaa mahad iska leh Allah S.W oo noo suura galiyay inaan helno madal ay kuwada sheekeestaan dadkeenna cilmiga leh iyo kuweenna ubaahan. Kadib markaan arkay inbadan oo caalamka ah oo leh meel ay ardaydooda iyo macalimiintooda ama dadka cilmiga leh iyo kuwa ubaahan isku dhaafsadan fikradahooda. Xaqiiqdii, waan maseeray waxaana mar walba igu soo dhacda sababta loowaayay madal kuwaas lamida oo ay soomaalidu wada leedahay. Waana midda igu dhalisay inaan abuuro Faham kaab, yaysanba qurux badnaan. Laakiinse ugu yaraan, waxbaa bilaaban. Waana lasii hormarinaya.
Markii ay isbartan qof cilmiga haaya iyo kii ubaahnaa waxa dhacaya waa faaido kororsi iyo kobaca caqliyadeenna, muhiimadeenna waa midaas. Waxaan rajo iyo hanba ka qabnaa in uu isku xirkaas Fahamkaab ku caan noqdo.
Adna saaxiib waxaan kaa codsanaynaa inaad nala wadaagto wixii fakirkaaga ah iyo inaad lasii wadaagto asxaabtaada, waayo anagoo dhan ayay masuuliyad naga saarantahay dadkeenna iyo dalkeenna, in aan wada dhisno aqoontooda waana qaybta ugu wayn ee kaqaybqaadanaysa in dalkeenna hormarkiisa sii socdo.
Mahadsanidiin