Nin dhalinyaro ah ayaa ka shaqeyn jiray Wershad Hilib mudo ka badan 10 sano. Maalin maalmaha ka mid ah isaga oo shaqo adag ka’haya qeybta keydinta hilibka ee talaagaduhu ama qaboojiyyaasha yaaliin, waqti- guna xilli dambe yahay, oo shaqaalihii oo dhan shaqada ka baxeen ayaa Albaabkii ku xirmay. Ninkii dhalinyarada ahaa mudo ayuu ku jiray qeybtii qaboojinta hilibka, qaab uu uga baxana waa garan waayey, wax u soo gurmadana ma helin, qeylo iyo rafaad kadib, waa uu miyir beelay.Arintu markii ay halkaas marreysay, ayaa waxaa tebey oo waayey galabnimadii Ninkii Shirkada Waardiyaha ka ahaa, waxana uu bilaabay inuu baadi-goobo, illaa uu markii dambe ka helay wiilkii yaraa qeybta keydinta hilibka isaga oo miyir beelay, waxaana uu deg deg u geeyey Cisbitaal. nasiib wanaag Alle waa badbaadiyey ninkii dhalinyarada ahaa.Maamulkii Shirkada ayaa aad ula dhacay falka uu sameeyey Ninka Waardiyaha ah, waxayna waydiiyeen sida uu ku ogaaday in wiilka dhalinyaradaa qeybta keydintu ku xirantay. ”subaxkasta marka uu shaqada soo galo, waa uu i salaami jiray, weji furan buuna igu qaabili jiray, waxaana uu iga waraysan jiray xaalkayga, galabtii marka uu shaqada ka baxayona xoogaa buu ila fariisan jiray oo aan sheekaysan jirnay, ma jiro qof la mid ah dhammaan shaqaalaha shirkada ka shaqeeya, waardiyihii ayaa sidaas yiri’.Naxariista, ixtiraamka, samafalka, weji furnaanta, hadalka fiican, ammaanada, sheegida runta, dhowrida balllanta iyo xishoodku waxay ka mid yihiin waxyaabaha qofka bini-aadamka ah noloshiisa hormariya, ummadda quluub-toodana lagu kasbado, hodonimo iyo guulo waaweyna kuu horseedi kara. Qaar ka mid ah Jaamcadaha ugu waweyn aduunka ayaa Cilmi Baaris ka sameeyeen xiriirka ka dhexeeya hodonimada dhaqaale ee qofka iyo habadhaqankiisa wanaagsan, waxayna isku raaceen 85% in hodonimada dhaqaale uu qofku ku hanan karo habdhaqankiisa wanaagsan, halka aqoonta xirfadeed iyo garaadka qofka aysan hanansiin karin in ka badan 15% hodonimada dhaqaale ee uu doonayo.Kheyrka iyo sarreynta ummadda “Nebi Muxamed NNKH” uu Alle siiyey waxaa sabab u ah ”Isfaridda samaha iyo iska reebidda xumaha”; samaha waxaa ka mid ah akhlaaqda iyo habdhaqanka wanaagsan; sida uu illahay quraankiisa ku yiri; ”waxaad tihiin kuwa ugu kheyr badan dhammaan ummadihii lasoo saaray, waxaad isfaraysaan samaha waxaadna iska reebaysaan xumaha, waxaadna rumayneysaan Allaah. sidoo kale Alle, wuxuu ugu waxtar sheegtay mu’miniinta inuu u soo diray Rasuulkiisa si uu- u baro Quraanka iyo Sunnada, ugana daahiriyo shirkiga, xasadka, iyo habdhaqan xumida. Nabiguna “NNKH” wuxuu si cad u yiri: “waxaa aniga la ii soo diray si aan u dhammeystiro habdhaqanka/ akhlaaqda wanaagsan”. sidoo kale Nabigeenu waxa uu yiri; “ waxa ugu badan ee ay ummaddu Jannada ku gelayso waa Alle ka cabsiga iyo Akhlaaqada/Habdahqanka wanaagsan”. ”RT”.Akhriste, akhlaaqda iyo habdhaqanka wanaagsani, waa waxa kaliya ee qiimaha u yeela nolosha aadanaha, jiritaanka bulshada iyo isfahanka ummadda dhexdeeda. ogow oo haddii ay akhlaaqdu meesha ka baxdo waxa meesha ka baxay jiritaankii ummadda. Haddaba si aan u horumarino Xirfada Habdhaqanka Wanaagsan, oo aan usoo saarno bulsho habdhaqan wanaagsan leh, waxaa lama huraan ah; in ilmuhu marka uu dhasho sida caanaha naaska loogu a’babiyo, si la mid ah edebta iyo habadhaqanka wanaagan loogu a’babiyo, sidoo kale waxaa waajib ah; inaan si fiican u barano Diinteena Islaamka, kadibna aan ku tababarno Qoysaskeenna iyo Guryaheenna, maadaama Guryuhu yihiin Beerta barbaarinta Ubadka iyo taranka Bulshada. Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.Qalinkii: Muhamed Mahad
Leave a comment