Dr Maxamed Mashaali wuxuu ka qalin jabiyey Kuliyadda Caafimadka Jaamacadda Qaahira ee dalka Masar Sannadkii 1967-kii isagoo Kaalinta koowaad u galay dufcadii ay wax isla baranaayeen wuxuuna keenay 99.3%.
Dr.Mashaali wuxuu Furtay Isbitaal yar oo uu ku daaweeyo bukaanada Saboolka ama Faqriga si lacag la’aan ah, Mararka qaarna isagaa ka bixiya lacagaha ay ku iibsan lahaayeen daawooyinka, wuxuuna ka qaadaa oo keliya lacag dhan 10 jineeh oo u dhiganta wax 1$ ka yar si loogu baaro, kuwa aan awoodi karinna si lacag la’aan ah ayuu ku baaraa, wuxuu howshan ku guda jiray muddo 50 sanadood ah.
Subax walba boqolaal bukaan ah ayaa safaf dhaadheer u gala isbitaalka hortiisa si loo daaweeyo, Dr.Mashaali wuxuu shaqeeyaa 10 saacadood maalinkii laga bilaabo 9:00 Aroornimo ilaa laga gaaro 7:00 fiidnimo.
DR.Mashaali ma lahan gaadhi ama baabuur uu ku yimaado goobta shaqada , isagoo 80 jir ah ayuu subax walba ka soo lugeeyaa gurigiisa oo aad uga fog isbitaalka.
Sheekadiisa waxaa maqlay Nin hantiile ah oo u dhashay mid kamid ah wadamada Khaliijka, wuxuu ku tabarucay lacag dhan 20 kun oo dollar iyo gaadhi uu ku yimaado isbitaalka, balse midda layaabka leh ayaa ahayd in Ninkii hantiilaha ahaa uu markale safar ku yimi dalka masar, wuxuu ogaaday In Dr.Mashaali uu lacagtiiyoo dhan u qaybiyey bukaano sabool ah oo awoodi kari waayey qarash ay ku iibsadaan lacagta daawada, gaadhigiina uu iibiyey Lacagtiina wuxuu ku soo iibsaday Qalab cudurada lagu baadho oo uu markaas u baahnaa!
Dr.mashaali mar wax laga weydiiyey sababta uu arinkan u sameynaayo ayaa ku jawaabay ” Intii aan waxbarashada ku jiray Aabahay wixii uu maal lahaa wuxuu ku bixiyey waxbarashadayda iyo sidii aan ku noqon lahaa dhaqtar, Aniguna waxaan ballan ilaahay kula galay in aanan shilin ka qaadan qof aan waxba haysan ama sabool ah oo u baahan inaan daaweeyo,
Dalkeena Soomaaliya marka aynu eegno waxaa jira Dhaqaatiir badan oo dadka caawiya, kuwa tabarta daranna si bilaash ah ku daaweeya, waxaana ka mid ah dhaqaatiirtaas oo bulshadeenu marqaati ka tahay Dr.shaafici Aadan Dirir oo marar badan aan baraha bulshada ku aragnay isagoo si bilaash ama lacag la’aan ah ku daaweeya dad badan oo la il darnaa xanuuno halis ah.
Dr.shaafici wuxuu Tusaale looga deydo wanaagga u yahay dhammaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn Ardayda barata Caafimaadka waxaa la gudboon inaysan hadafkooda ka dhigin inay Lacag badan ku helaan oo keliya, ee waxaad marwalba Ku fekertaan haddii aad mar uun dhaqaatiir noqotaan inaad dadka saboolka ah il gaar ah ku eegtaan.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Mustaf Awil Hassan
Leave a comment