Nin dhalin-yaro ah ayaa hada ka hor aad ugu dadaalay mar sidii uu ula kulmi lahaa Feylasuufkii reer Gariig ee SOCRATES, baadi goob uu u galay dabadeed waa ay kulmeen inankii yaraa iyo Mudane Socrates. Gal dheer oo su’aalo ah ayuu ku dul akhriyay ninkii dhalinta yaraa, su’aasha ugu muhiim saneyd ee uu waydiiday waxey aheyd SIRTA GUUSHA. Waa uu u laab qaboojiyay mudane Socrates da’ yarkii guusha baadi goobka ugu jiray, waxa uu na ku balamiyay meel WABI ah si uu jawaab ugu helo su’aashan miisaanka culus ee uu wiilkii yaraa miiska soo saaray.
Geed hadh wanagsan leh oo wabiga kaabiga ku hayo ayuu hoos jiiftay da’ yarkii guusha baadi goobka ugu jiray, wakhtigii balanta na wa uu ka soo hormaray waxa uuna diyaar u yahay duruus la xiriirta guusha.
“Da’ yaroow ina keen aan wabiga wada galno” ayuu Socrates hurdada kaga kiciyay inan kii yaraa. Haye mudane iyo tilaab tiisuba waxba uma dhaxeyn.
Haye, maxad dareemeysa da’ yaroow?
Mudane biyaha oo ina jiidanaya ayaan arkaa.
Haddaba Indhaha xer oo gacmahana xaga dambe mari da’ yaroow; Markii ba Socrates xogiisa oo idil ayuu isugu geeyay da’ yarkii oo xaga hoose ee wabiga ayuu quusiyay oo uu in muddo ah ku hayay. Iska caabin iyo hardan uu galay da’ yarkii waxba kumey kordhin ila uu quus ka gaaray nolosha.
Da’ yarkii oo ay nafta ku yartahay ayuu dibada u soo saray Socrates.
Mudane, mudane iyo hadalo kale oo neef badani gadaal ka riixeyso ayuu iska daba yiri miskiin kii yaraa ee dhimashada ka badbaaday; Aamus ee ii sheeg waxa aad ugu baahi badneyd goortii aad ku hoos jirtay biyaha? HAWO ayan ugu baahi badna.
Haddaba SIRTA GUUSHU WA SIDAA, marka aad guusha u raadisid sida aad u raadisay neefsashada, markaa ayaad guuleysaneysaa sirtu na wa taa.
Sida dabka yari uusan kuleyl badan u laheyn, sidaas si la mid ah ayay himada ama hanka yar u dhalin karin guul wax ka ool ah.
Dulucda sheekada oo kooban waxa weeyaan inaan yeelano Himmad iyo rabitaan aad iyo aad u xoog badan hadii mid keen doonayo guul, nuucey doonta ha ahaato.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Maxamed Muxudin
Leave a comment