Lixdan sano oo uu Ingineer ka ahaa shirkad dhismo kadib ayuu go’aansaday in uu shaqada ka tago, wuxuuna shirkadda u gudbiyay warqad shaqo-ka-tegis ah. Maamulaha shirkadda oo Injineerka ka aqbalay shaqo-ka-tegista ayaa ka codsaday in uu shirkadda u dhiso gurigii ugu dambeeyay, inta uusan shaqada ka tegin, wuuna ka aqbalay isagoo dhibsanaya in uu maalmo kale shaqadaan sii joogo.Si uu shaqada isaga fududeeyo ayuu shaqaalihii faray in ay dhismaha boobsiiyaan, taasina waxay meesha ka saartay tayada iyo quruxdii guriga. Markii dhismuhu dhammeeyay ayuu maamulaha ku wareejiyay furihii guriga. Maamulaha ayaa ku yiri: Injineere annagoo ka xun in aad shaqada ka tagto, waxaan kaaga mahadcelineynaa waayihii dahabiga ahaa ee aad nala soo qaadatay. Markii ay warqaddaada Ruqsadu na soo gaartay ayaan ka tashannay arinkaada waxaana go’aansannay in aan guri abaalmarin ahaan kuu siinno, waana gurigaan aad hadda adigu gacantaada ku dhistay.Maalinkaas ayuu Ingineerkii ka shallaayay in uu fududeystay dhismaha gurigaan, maadaama uusan u dhisin si fiican, uuna u noqon doono guriga uu ku dhammeysan doono noloshiisa.Sidaas oo kale waxaa ah cibaadada oo laga yaabo in aad iska fududeysato. Marka adigoo cibaadeysanaya ay naf iyo sheydaan ku faraan in aad boobsiiso oo aad meel ka daaheyso, xusuuso in waxa aad u degdegeyso iyo waxa aad ka cabsaneyso in ay ku seegaan ay Rabbi gacanta ugu jiraan. Cibaadada aad gudaneyso adiga ayaa leh ajirkeeda iyo abaalkeeda, adiga ayaana maanta ah Injineerka ka shaqeynaya dhismaha Aakhiradaada, ee u hagarbax Allena u kaasho dhisidda mustaqbalkaada Aakhiro. Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.Qalinkii: Hussein Sabrie
Leave a comment